Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo ka Baxay Ceelwaaq


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo weerartey degmada Ceelwaaq Soomaaliya ee gobolka Gedo ee ku taala xuduuda Kenya iyo Somalia, ayaa halkaas ka baxay.

Colonel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa sheegay in Shabaabka ay iskood uga baxeen xaley mar kale magaalada.

Ma jirin cid wax ku noqotey weerarkii koobnaa ee Al-Shabaab ay guddaha ugu galeen magaalada.

Warfaa oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Ceelwaaq.

Colonel Warfaa ayaa u warramay weriyaha VOA Sahra Cabdi Axmed.

Shabaab oo ka baxay Ceelwaaq
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00

XS
SM
MD
LG