Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo Ganaaxday Markab Kalluumeysi


Markab la qabtay
Markab la qabtay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in ay xoojisey howlaheeda ka dhanka ah la dagaalanka Kaluumaysiga Sharci darada ah ee maraakiibta shisheete ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa waxa ay dhowaan ganaax lacageed ku qaadeen Markab laga leeyahay dalka ku yaalla Latin Americo, kaasoo ay sheegeen inuu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya.

Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid ay u diideen ruqsadda kalluumeysiga balse sameystay warqado been abuur ah.

Wasiirka ayaa sheegay in markabkan ay ku ganaaxeen 65,000 oo dollar.

Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in ay jiraan dowlado ka caawiyey hanaanka ilaalada baddaha islamarkaana siiyey qalab lagu ogaankaro maraakiibta soo galo biya Somalia.

Waxa uu u warramay Sahra Cabdi Axmed

Dowladda oo ganaaxday Markab shisheeye
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:25 0:00

XS
SM
MD
LG