Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubbaland.
Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in madaxweynaha uu magaalada Kismaayo kula kulmayo mas'uuliyiinta gobolka iyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Toddobaadkii hore waxaa isna tagay magaalada Kismaayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid oo isna la kulmay xildhibaannada cusub.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa xildhibaannada u sheegay in loo baahan yahay "is-beddel hoggaanka ah", hadalkaasi waxaa ka jawaabay mid ka mid ah saraakiisha la shaqeeya madaxweynaha oo sheegay in loo baahan yahay in Ra'iisul Wasaaruhu ilaaliyo "anshaxa" doorashada.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa labaduba ay yihiin musharraxiin u tartamaya jagada madaxweynaha oo la sheegay in la qaban doono sanandkan inta uusna dhammaan.
Dhinaca kale doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay magaalada Baydhaba ayaa maraysa heer gabagabo ah iyadoo ay dhiman yihiin oo keliya laba xubnood. Sidaasi oo kale waxaa gabagabo maraysa doorashada Aqalka Hoose ee maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.
Isla magaalada Muqdishu waxaa warqad saxiixay qaar ka mid ah odayaasha matalaya Somalliland oo sheegay inay doonayaan in doorashada lagu qabto xarunta Xalane oo laga wareejiyo xarunta gaadiidka booliiska.
Odayaasha ayaa arintaais sabab uga dhigay si looga baaqsado waxa ay ugu yeedheen "cabsigelin iyo cago-juglayn".
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isagu taageeray hadalka odayaasha.