Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyey ee Hawgalka Qandala


Warar ka imanaya duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta xaaladdu dagan tahay, kadib dagaallo xooggan oo shalay dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay deegaanka Af-Bashaashin oo degmada Qandala u jirta 50 km, halkaasi mas’uuliyiinta Puntland ay sheegeen inay ku dileen 7 ka tirsan maleeshiyada Daacish.

Guddoomiyaa gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo ku sugan meel aan ka fogeyn Qandala ayaa VOA u sheegay in ciidamada Puntland ay 10 km hore u durkeen, kuna sii siqayaan dhinaca degmada Qandalla.

Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.

Dhinaca kale, dadka deegaadaasi ka ag dhow ayaa VOA u sheegay inay saaka waabarigii arkeen gaadiidka caafimaadka oo sida laba askari oo katiesan ciidamada Puntland oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay.

Maalintii 9aad ayaa deeegaanka isgaarsiintu ka go’antahay, marka laga reebo taleefoonada tooreeyaha oo ay ciidamada Puntland isticmaallayaan.

XS
SM
MD
LG