Maanta waxaa dunnida laga abaabulay kulamo iyo doodo la xidhiidha Cudurka HIV/AIDs oo sannad walba laga hadlo maanta oo kale.
Kulammadan ayaa midkood lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socda dawladda, dadka xanuunkan la nool, hay'adaha caawiya iyo ururada bulshada.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo kulankaa ka qaybgalay, ayaa la kulmay dad kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa xanuunkan la nool, waxaanu Hargeysa nooga soo diray warbixintan.