Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eedeymo Musuq-Maasuq Cusub oo Hareeyey Doorashooyinka


Doorasho
Doorasho

Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay inaan faro-gelin lagu samaynin odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu si gaar ah baaqaas ugu jeediyey hay’adda nabad sugidda qaranka, taasi oo maanta beenisay inay wax faro-gelin ah ku hayso doorashooyinka.

Dhinaca kale, xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa diiday inay ka qeyb gasho doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee kursiga beesheeda, ayada oo tirsaneysa qaladaad.

Warbixin: Doorashada Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:13 0:00

XS
SM
MD
LG