Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashadii Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo la Hakiyey


Doorasho
Doorasho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudiga Doorashada dadban ee Heer Federaal uu gaaray go’aan dib loogu joojinaayo doorashada 11 Kursi oo ka harsanaa Xubnaha Aqalka Hoose qeybta Maamulka Hirshabelle.

Sida ay VOA u xaqiijiyeen Xubno gudiga doorashada ka mid ah Joojintan ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle uu faro galin toos ah ku soo sameyay shaqada loo igmaday Gudiga doorashada.

Muran xoog leh ayaa waxaa uu maalmaha ka taagnaa Ergada mid ka mid ah kuraasta aan wali lagu tartamin ee Aqalka Hoose.

Wali si rasmi ah ugama ay hadlin Gudiga doorashada Heer federaal iyo Maamulka Hirshabelle oo lagu eedeenayo in uu qeyb ka yahay muranka taagan.

XS
SM
MD
LG