Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Sidday Cayaartoy oo Burburtay


Cayaartoyda Kooxda Chapecoense
Cayaartoyda Kooxda Chapecoense

Saraakiisha dalka Colombia ayaa sheegay in shan qof oo kaliya ay ka badbaaday diyaarad ay saarnaayeen 81 qof oo sidday koox kubadda cagta oo ka dhisan dalka Brazil, taasi oo dhacday ayada oo kusii jeeda garoonka diyaaradaha caalamiga ah Medellin.

“Waa musiibo xaddigeedu weyn yahay” Waxaa sidaas yiri duqa magaalada Medellin Federico Gutierrez Gutierrez oo la hadlay Blu Radio, xilli uu kusii jeeday goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Diyaaradda oo horey si kooban ugu soo nagaatay magaalada Santa Cruz ee dalka Bolivia ayaa waxa ay sidday cayaartoyda kooxda heerka koowaad ee Chapecoense ee ka dhisan koonfurta dalka Brazil.

Kooxda ayaa la filayey inay maalinta arbcada la cayaaraan kooxda Atletico Nacional ee ka dhisan magaalada Medellin, oo ay ku kulmi lahaayeen cayaarta kama dambeysta ee koobka loo yaqaan Copa Sudamericana.

Xiriirka kubadda cagta ee Koonfur America ayaa kadib shilkan diyaaradeed joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqyadii cayaareed illaa inta dib looga soo sheegayo.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 72 rakaab iyo sagaal shaqaale ah, kuwaasi oo 76 ka mid ah ay geeriyoodeen.

Isha Warka: AP

XS
SM
MD
LG