Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabley Gudaha u Gashay Jaamacadda SIMAD


Muqdisho
Muqdisho

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 6 nin ayaa maanta gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Cabdi.

Guddoomiyaha Jaamacadda oo VOA la hadlay ayaa sheegay in raggan hubeysan ay gudaha u soo galeen jaamacadda iyaga oo xabada ridaya, taasna ay keentay in ardaydu ay qaarkood derbiyada ka boodaan walaacna uu ka dhashay gudaha jaamacadda.

Daahir Xasan Cadbi Daahir Carab ayaa sidoo kale sheegay in jaamacadda aysan lahayn wax ilaalo hubeysan ah.

Ardayda jaamacadda ayaa falkaas kadib la arkayey ayaga oo koox koox u taagan, ayna ka muuqato cabsi.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareystay guddoomiyaha jaamacadda.

Dabley Gashay Jaamacadda SIMAD
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

XS
SM
MD
LG