Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Beeleed ka Dhacay Duleedka Beledweyne


Dagaallo beeleed ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalladan oo ka dhacay deegaanka Baali oo 6 Km u jira Beledweyne ayaa salka ku haya aano qabiil iyo dhul la isku haysto.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay dagaalka maanta dhacay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ah dhinacyadii uu dagaalkii dhex maray.

Rasaasta dagaalka ayaa sidoo kale kusoo dhaceysay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Beelaha dagaalamaya oo sidoo kale hore u dagaalamay ayaa wxaa laga dhex waday dadaallo nabadeed oo aan weli guuleysan.

XS
SM
MD
LG