Dooarshadii Aqalka Hoose ayaa maanta dib uga billaabantay magaalada Jowhar kadib markii ay u hakatay iska horimaad ka dhacay hoolka doorashada habeenkii Jimcihii awgeed.
Guddiga doorashada ayaa hakad geliyey doorashada kadib toogashada dhacday oo ay ku dhaawacmeen afar qof.
Dhinaca kale, Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo maanta la doortay ilaa iyo sideed xubnood oo lix ka mid ah ay ahaayeen xildhibaanada baarlamanka hadda waqtigu ka dhamaaday ee Somalia.
Ilaaa iyo hadda waxaa lagu doortay Baydhabo dhowr iyo sodon ka mid ah 69-ka xubnood ee laga sugayo gobolka inuu soo doorto ka hor doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyeyaasha golayaasha.
Weriyayaasheena Xuseen Xasan Dhaqane iyo Mukhtaar Maxamud Catoosh ayaa warbixinadan kasoo diray Jowhar iyo Baydhaba.