Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.
Dhawaan ayaa ganacsade Soomaaliyeed sidoo kale lagu dhex gubay goobtiisa ganacsi.
Weli ma cadda in dukaankan dab la qabadsiiyay iyo inuu gudaha ka kacay, laakiin horey falal Somali lagu gubay ayaa ka dhacay Gobolka Eastern Cape.
Wariyeheenna Caasha Ibrahim Aaden ayaa dhacdadan ka wareysatay, mid ka mid ah Masuuliyiinta jaaliyadda Somalida ee gobolka Eastern Cape, Muxiyadiin Nuur Jileey.