Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hawlgal Dhiig Ku Daatay oo ka Dhacay Dhacay Buulogaduud


Ciidamada Ethiopia
Ciidamada Ethiopia

Afar qof ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhacay Buulo Gaduud iyo Miino la qaraxday Babauur ay leeyihiin Ciidamada Ethiopian-ka ah, sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhaya gobolka.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ay saaka deegaankaasi weerareen Ciidamada Ethiopia ee ka tirsan AMISOM iyo Ciidamada Maamiulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay markii ay ciidamada isgarabsanaya gudaha u galeen deegaanka Buulogaduud ay mid kamid ah gaadiidka ciidamada Ethiopian-ku ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaarigii ay miinada la qaraxday uu gabi ahaanba burburay.

Afarta ruux ee geeriyootay ayaa waxaa ay wararku ay sheegayaan inay yihiin dhinacyada dagaalamay ee Ciidamada Ethiopiana, Jubaland iyo Al-shabaab. Waxaa kale oo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in laba ka mid ah ciidamada Itoobiya ku dhinteen dagaalka, mana cadda inay ku dhinteen qaraxa iyo inay ku dhinteen iska horimaadka dhacay.

Dhinaca kale Af-hayeenka AMISOM Joseph Kibet ayaa beeniyey in ciidamo AMISOM ah ay ku dhinteen hawlgalkii maanta ka dhacay Buuloguduud, waxaana uu dhinaca kale sheegay in ciidamada AMISOM ay dileen lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubaland ayaa dagaalka kadib la wareegay gacan ku heynta Buulo-gaduud. Saraakiicha Ciidamada Jubaland way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dagaalka.

XS
SM
MD
LG