Musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka Hillary Clinton ayaa sameysay muuqaalkeeda ugu horreeyey ee dadweyne tan iyo markii ay qiratay in Donald Trump uu kaga adkaaday loolanka madaxweynaha.
Clinton ayaa waxaa u istaagay dhammaan dadkii ka qeyb galayey munaasabad xalay ka dhacday magaalada Washington oo ay qabatay hay’adda Children's Defense Fund.
Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga waxa ay qiratay inay wajahday maalmo aad u adag wixii ka dambeeyey guul darradii layaabka lahayd ee ay kala kulantay Trump.
“Hadda, waxaan qirayaa in imaanshaha halkan uusan ahayn wax sahlan. Waxaa jirtay marar aan toddobaadkii tagay ku fakaray in waxa kaliya ee aan doonayo ay ahayd inaan weheshado eygeena ama buug aqristo, marnaba aan ka tagin guriga” ayey tiri.
Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku boorisay dadkii ay la hadleysay inay ka gudbaan niyad jabkii ay ka qaadeen doorashada ayna ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen.