Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: Qaxootiga Dhadhaab Qasab Ayaa Lagu Celinayaa


Warsaxaafadeed qoraal ah oo ay soo saartey hay’ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa lagu sheegay in saraakiisha dowladda Kenya ay ku qasbayaan dadka Soomaalida qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadabaab inay dib ugu noqdaan Soomaaliya, halkaasi oo ay khatar ugu jiraan inay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan qalaasaha ka jira dalka.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay ku dhawaaqdey bishii May inay xireyso xerada saddexaad ee ugu wayn caalamka, halkaasi oo hoy u ah 280,000 oo ah dad badankooda Somalia ah.

Arrintan ayaa Kenya waxa ay sabab uga dhigtay in ay caqabad ku yihiin amniga, dhaqaalaha iyo deegaanka, taasi oo ay dheer tahay taageero la’aanta beesha caalamka.

Warsxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in dadka qaxootiga ay u dhaxeeyaan Dhibaato iyo Qarax.

Saraakiisha dowlada Kenya ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka inay dadka ku qasbayaan in ay ka guuraan xerada iyadoo aysan jirin wax kaalmo ah oo la siiyey, sida uu sheegay ku xigeenka Amnesty.

Amnesty waxaa ay sheegtey inay Dhdhaab booqdeen August, halkaasi oo ku wareysteen 56 qof oo qaxootig ka mid ah, islamarkaana ay 35 shirar ku qabteen.

Amnesty waxa ay sheegtayin dadkii ay wareysatay ay ka mid yihiin laba wiil oo walaalo ahaa oo jirey 15 iyo 18, kuwaasi oo markii ay aadeen Somalia dib uga soo noqdey kadib markii la diley abahood, bishii January ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG