Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Giuliani oo Hogaaminaya Loolanka Xoghayaha Arrimaha Dibedda


Ayada oo madxaweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu soo dhisayo maamulkiisa cusub, ayaa ilo-wareedyo ku dhow xaaladda waxa ay sheegayaan in duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani uu hogaaminayo musharaxiinta xilka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Giuliani ayaa leh khibrad dacwad ooge federal ah, hase yeeshee wax khibrad uma lahan siyaasadda arrimaha dibedda sida dadka horey xilkan usoo qabtay oo kale.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee iminka John Kerry ayaa guddoomiye u ahaa guddiga siyaasadda arrimaha dibedda Senate-ka, ka hor inta uusan xilka qaban. Condoleezza Rice waxa ahayd la-yaliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Bush, halka Colin Powelluu sidoo kale ahaa la-taliyaha amniga qaranka, kana soo shaqeeyey ciidanka.

Hase yeeshee Giuliani ayaa taageero aan gaban u ahaa Donald Trump intii uu socday ololaha doorasho, waxaana labada nin ay saaxiibo ahaayeen muddo fog.

Dadka kale ee xilkan looga fakarayo waxaa ka mid ah safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyey QM John Bolton, oo lasoo shaqeeyey maamulka madaxweyne Bush.

XS
SM
MD
LG