Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandhig Shaqo oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay bandhig shaqo oo la isugu keenay ardayda ka soo qalin jabisa Jaamacadaha iyo shirkada daneynaya in ay qortaan shaqaale xirfad leh oo shaqo yaqaan ah.

Bandhiggaasi ayaa waxaa qabatay hay’adda la yiraahdo Fursad Fund, taasoo uu agaasimaheeda Deeq Maxamed VOA-da u sheegay in bandhiggan uu soconayo maanta iyo berry.

Waxa uu sheegay in bandhigan uu fursad shaqo siin doono dhallinyaro badan oo aan hadda shaqo haysan.

Waxa kale oo uu sheegay in maadaama inta badan shaqooyinka Soomaalida la isku siin jiray aqoon iyo ehelnimo, in tani ay dadka ka caawineyso inay shaqo ku helaan aqoontooda iyo xirfadooda.

Caasho Ibrahim ayaa khadka taleefanka ee Muqdiso ku wareysatay Deeq Maxamed.

Bandhig Shaqo oo lagu Qabtay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00


XS
SM
MD
LG