Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Aqalka Hoose oo ka Billaabatay Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Kismaayo oo xarun u ah Maamulka Jubbaland, waxaana magaalada Kismaay lagu doortay toddoba Xildhibaan ayadoo maalmaha soo socdana la soo dhameystiri doono tirada Xildhibaanada.

Goobta doorashada lagu qabtay oo lagu magacaabo Hoolka shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ergo ka kooban 51 ruux ay ugu kala codeynayeen musharixiinta, waxaana musharaxii ugu horreeyay ee ku guuleystay doorashada aqalka hoose ee maanta ka bilaabatay Kismaayo ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdullahi Yuusuf Xassan, Maryan Aweys Jaamac, Xamsa Sheeƙh Xuseen Colow, Cisman Libaax Ibraahim .

Maxamuud Xasan Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeynka Guddiga doorashada Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta jimcaha soo gaba gabeyn doonaan doorashada xubnaha Aqalka hoose ee lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

Markii ay bilaabatay doorashada waxaa goobta doorashada booqosho ku yimid Madaxweynaah Maamulka Jubbaland iyo ku xigeenadiisa.

Doorashada Aqalka hoose ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in lagu doorto 43-Xildhibaan kuwaasoo kamid noqon doona Xildhibaanada Aqalka hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG