Xaaladda magaalada Gaalakacayo ayaa deggan maanta iyadoo tirada dadka ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee shalay dhacayna ay kordhay oo haatan ay gaadhayso in ka badan 30 qof.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa la sheegay inay khadadka telefoonka ku wada hadleen xabbad-joojin cusubna lagu heshiiyey.
Warbixintan waxaa magaalada Gaalkacyo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.