Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas oo Sheegay Inuu la Hadlay Guuleed


Guuleed iyo Gaas
Guuleed iyo Gaas

Madaxwyenaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu khadka telefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Gaas waxa uu sheegay in isaga iyo Guuleed ay isku raaceen in la dhaqan geliyo heshiiskii xabad joojinta ahaa ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.

Cabdi Weli Gaas waxa uu sheegay in sidoo kale la isku afgartay in labada dhinac ay wada-hadal isugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo maalinta Jimcaha ah.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabislan Soomaalita Michael Keating oo ay shirka jaraa’id wada qabteen Cabdi Weli Gaas ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.

Warbixintan waxaa inoo haya Ismaaciil Xuseen Farjar.

Gaas oo sheegay inuu la hadlay Guuleed
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00

XS
SM
MD
LG