Maxkamada gobolka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku riday afar qareen oo ku gudo jiray dacwad ku socotay kaaliyeyaal ka tirsanaan jiray maxkamada.
Gudoomiyha maxkamada gobolk ayaa VOA u sheegay inay xubnahani kiciyeen dadweynihii fadhiga maxakamda dhagaysanayay, islamarkaana ay ka dalbadeen inay maxkamda rabshaan.
Qareenadan la xukumay oo kala ah 1. Daahir Maxamed Faarax 2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud 3. Xuseen Maxamed Fadal iyo 4. Jaamac Cali Ismaaciil ayaa ururka qareenadu xadhigooda ku tilmaameen sharci darro.
Wariyaha VOA Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa labad dhinacba la kulmay. Waxa ugu horayn sida ay xadhigan u arkaan waydiiyay gudoomiyha ururka qareenada Somaliland Maxamed Maxamuud Xaashi.
Dhinaca kale waxa uu wariyahayagu uu arinta wax ka weydiiyay guddoomiyaha maxkamada gobolka Axmed Dalmar Ismaaciil, waxaana uu ugu horayn weydiiyay sababta ay u xukumeen afartan qareen.