Qaybo badan oo Soomaaliya ah waxaa gaaray qaxooti ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay dib-u-dejin u sameeyeen illaa 8,000 oo qaxooti ah iyaga oo kaashanaya hay’adaha Qaramada Midoobay.
Haddaba, waa sidee xaaladda Qaxootigaasi? Maxayse kala kulmeen deegaanada ay dib ugu soo laabteen? Weriyaha VOA Maxamed Faarax Shire oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa la kulmay qaar ka mid ah qaxootiga dib u soo laabtay, wuxuuna ka soo diray warbixintan.