Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad Badeedka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay


Burcad-badeed ku sugan badweynta

War ay si wada jir ah usoo saareen hey’adaha Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee ICC iyo Hey’ada Badaha Caalamiga ah ee IBM ayaa lagu sheegay in inkastoo 20-ki sano ee lasoo dhaafay ay hoos u dhaceen kiisaaska afduubka badaha caalamiga ah ay hadana ka jiraan xeebaha Galbeedka Africa iyo Koonfur-Bari Asia khatarta afduubka ay geystaan burcad badeeda.

Warbixinti ugu danbeysay ee ku saabsan burcad badeedka ayaa waxa ay muujineysaa, in burcad badeed ku hubeysan qoryo iyo middiyo ay 110 qof afduubteen 9-ki bilood ee ugu horreeyey ee sanadkaan 2016-ka.

Dalka Soomaaliya ayey warbixintu xustay in wax la xiriira danbiyada burcad badeednimada aysan ka dhicin bilihi ugu horreeyey ee sanadkaan, marka laga reebo hal isku day oo ka dhacay Gacanka Cadmeed inti lagu guda jiray sagaalki bilood ee ugu danbeeyey sanadkaan, laakin aaney wali xaaddu aheyn mid la isku haleyn karo xeebaha u dhaw meelaha ay shareecdaan doonyaha kooxaha burcad badeeda.

Burcad badeedka waxa kale oo ay afduubteen 49 ka mid shaqaalaha maraakiibta isaga kala goosha badaha caalamiga, kuwaas oo ay ka qaateen lacago madax furasho ah, iyadoo dalka Nigeia uu yahay halka ugu daran ee ay sida aadka ah uga dhaceen falalka burcad badeednimada, kadib marki lagu afduubay ilaa iyo 42 ruux.

Waxaa sii raaca dalalka Indonesia, Malesia, Genie iyo Ivory Coast.

Ugu danbeyntiina warbixinta ayaa faah faahisay in 27 waddan oo caalamka ay ka dhaceen ilaa iyo 141 weerar oo la xiriira burcad badeednimada.

XS
SM
MD
LG