Shirkadda Samsung ayaa joojineysa iibinta taleefon gacmeedka Galaxy Note 7 dunida oo idil, sababo la xiriira walaacyo dhinaca ammaanka ah, waxayna ugu baaqday dadka haysta inay si deg deg ah u joojiyaan isticmaalka taleefonkaas.
Qiimaha saamiyada shirkaddan laga lee yahay dalka Korea-da Koonfureed ayaa si xooggan hoos ugu dhacay kadib markii uu soo shaac baxay warka la xiriira joojinta iibinta Galaxy Note 7.
Samsung ayaa dhammaan dadka haysta taleefonka Galaxy Note 7 ugu baaqday inay damiyaan, islamarkaana ay dalbadaan in dib loogu soo celiyo lacagtii ay ku iibsadeen, ama ay ku bedashaan taleefonada kale ee shirkadda.
“Waxaan la shaqeeneynaa dhammaan dhinacyada sharciga ee arrintan ay quseyso, si baaritaan loogu sameeyo dhacdooyinka la xiriira Galaxy Note 7, waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay Samsung.
Samsung ayaa waxaa qiimaheeda uu hoos u dhacay 8 boqolkiiba suuqyada saamiyada adduunka.