Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Ayey u Dhacday Dooddii Labaad ee Trump iyo Clinton?


Intii lagu guda jiray dooddii labaad ee madaxweyne oo ay la yeelatay Donald Trump, ayaa Hillary Clinton waxa ay sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aysan u diri doonin dalka Syria, taasi oo ay sheegtay inay tahay xeelad aan wanaagsaneyn.

Waxa ay xaaladda magaalada Aleppo ku sheegtay mid musiibo ah, islamarkaana Russia ay go’aan ku gaartay inay burburiso, si ay xukunka ugu sii hayso Bashar Al-Assad.

Trump ayaa waxa uu sheegay in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria.

Trump ayaa dhinaca kale cudur daar ka bixiyey hadallo uu ku aflgaadeeyey haweenka oo laga maqlay cajalad jimcihii la baahiyey oo la duubay sanaddii 2005, waxaana uu sheegay inuu dareemayo ceeb.

Clinton ayaa sheegtay in musharaxiintii hore ee Jamhuuriga laga yaabay inaysan ku raacsaneyn siyaasadooda, in markan ay tahay markii ugu horreysay ee ay su’aal ka keento ku haboonaanshaha musharax ee ah inuu dalka hogaamiyo, waxayna sheegtay in Trump uusan lahayn degenaan uu dalka ku maamulo.

Doodda ayaa waxaan ka wareysanay Cabdullahi Kulane oo ka mid ah hogaamiyayaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota.

Wareysi: Cabdullaahi Kulane
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00

Waxaan sidoo kale wareysanay Jamaal Yuusuf Daroor oo ka mid ah dadweynihii doodda daawanayey, islmarakaana ah codeeye aan go’aan ka gaarin qofkii uu codkiisa siin lahaa.

Wareysi: Jamaal Yuusuf Daroor
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00

XS
SM
MD
LG