Dagaalyahanno la rumyesan yahya inay xubno ka yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray guryo ku yaalla magaalada Mandhera ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba oo weerarkan ku xaqiijiyey bartiisa twitter-ka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay lix qof, islamarkaana qof kale lagu dhaawacay.
Roba ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka jawaabeen weerarka, islamarkaana ay soo badbaadiyeen 27 qof oo uu ku jiro qofka dhaawaca ah.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guryaha la weeraray ay leedahay wasaaradda howlaha guud ee Kenya.
Dadka deganaa ayaa ah shaqaale ka tirsan dowladda ama qandaraaslayaal ka shaqeynayey darbiga muranka dhaliyey ee Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, sida uu sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka oo codasaday inaan la magacaabin.
Warbaahinta Kenya ayaa werisay in kooxda weerarka soo qaaday ay marka hore isticmaaleen bam gacmeedyo kadibna ay billaabeen inay dadka mid mid u toogtaan.
Isku xiraha amniga gobolka Woqooyi Bari Kenya Ambassador Maxamuud Saalax oo shir jaraa'id qabtay ayaa faah-faahiyey weerarka.