Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Hoose: Howlgallo Lagu Dilay Xubno Shabaab ah


Somalia al-Shabab
Somalia al-Shabab

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in hawlgallo xalay dhacay lagu dilay maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Mid ka mid ah hawlgallada ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Lambar Konton, waxaana dawladdu ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Hawlgalka labaad ayaa mas’uuliyiinta dawladdu sheegeen inuu ka dhacay agagaarka Jannaale kaasi oo ciidamada dawladdu sheegeen in lagu dilay xubno kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kalena warar laga helay isla degaanka ayaa sheegay in dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqaynta ka dhacday agagaarka Jannaale. Ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayaa.

Weriyaheena Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warkan noo soo diray.

Howlgallo ka dhacay Shabeellada Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:45 0:00

XS
SM
MD
LG