Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbitaalka Xaleb oo La Duqeeyey


Burburka Isbitaalka Xalab ee la duqeeyey
Burburka Isbitaalka Xalab ee la duqeeyey

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in isbitaalka Kaliyah ee ka shaqeynayey qeyb ka mid ah dhinaca bari ee magaalada Xalab oo ay ka dagaalamaan xoogaga mucaaradka la duqeeyey, taasoo ka dhigeysa duqeynti labaad oo isbitaalka lala beegsado muddo gaaban gudahood.

Afhayeen u hadlay ururka caafimaadka ee SAMS ayaa sheegay in isbitaalka M-10 lagu dhiftay laba bam, xilli ay dhaqaatiirta ay la taacalayeen tiro yar oo dad ah oo dhaawacyo qabay.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo Suuriya ayaa sii xoojinaya weeraradooda si ay u qabsadaan magaalada Xalab oo dhan.

XS
SM
MD
LG