Masuulyiinta Maamulka Jubbaland iyo madaxda hay'adda UNHCR ee Soomaaliya oo kullan ku yeeshay magaalada Kismaayo, ayaa isku af-gartay in xariyaaraaddii saarneyd laga qaado in ka badan labo kun oo qaxooti ah kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ku xayirnaa Dhadhaab, doonayayna inay dib ugu laabtaan meelo ka mid ah Soomaaliya.
Faah faahinta warbixintaasi waxaa Nayroobi ka soo diray wariyaha VOA ee Nayroobi Khadar Maxamuud Xareed.