Allaha u naxariistee aaska weriye Cabdilcasiis Maxamed Cali Xaaji oo kooxo hubaysan ay xalay ku toogteen degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.
Dawladda Soomaaliya iyo bahda saxaafadda ayaa si weyn u dhalleeceeyey dilkaasi.
Laba ruux oo ku hubeysanaa bistooloda ayaa toogtay Wariye C/Casiis Maxamed Cali Xaaji.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray weriyahayaga Xasan Kaafi Qoyste.