Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ka Tirsan Galmudug oo Duqeyn Lagu Dilay


Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqayn ay gaysteen diyaarado aan haybtooda la garanayn ay xalay ka dhacday bariga gobolkaasi.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in duqaynta ay gaysteen diyaaradaha ciidamada Maraykanka, kuwaasi oo ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada Galmudug.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Cusmaan Ciise Nuur “Taar-Dhuleed” ayaa VOA u sheegay in 22 ciidankooda ka tirsan ay ku dhinteen weerarkaasi.

Warar laga helay ilo kale oo madaxbannaan ayaa sheegay inay tiriyeen maydadka 14 askari iyo 11 kale oo weerarka ku dhaawacmay.

Dawladda Maryakanka ayaan weli ka hadlin duqayntaasi.

Galmudug ayaa sheegtay in diyaaradaha duqaynta gaystay la siiyey xog qalad ah, waxayna ku eedeeyeen maamul goboleedka Puntland inay xogtaasi bixiyeen.

Weriyahayaga Jaamc Buulle Jaamac oo Washington jooga ayaa weerarkan ka waraystay Wasiirka Amniga ee Galmudug Cusmana Ciise Nuur “Taar-Dhuleed”.

Duqeyn ka dhacday Mudug
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00

XS
SM
MD
LG