Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoggaamiyaha Boko Xaram oo Beeniyey in la Dhaawacay


Abubakar Shekau
Abubakar Shekau

Nin sheegay inuu yahay Abubakar Shekau, hoggaamiyaha kooxda Boko Xaram ayaa video axaddii lagu baahiyey baraha bulshada ku beeniyey in si xun loogu dhaawacay duqeyn ay Nigeria fulisay bishii tagtay.

Muuqalkan oo 40 daqiiqo ahaa, ayaa ninkan oo ku hadlaya dhowr luuqad oo caan ka ah gobolka Waqooyiga Bari ee Nigeria ee Borno State, waxa uu ku sheegay inii caafimaad qabo, kuna sugan yahay nabad galyo.

Video-ga ayuu Shekau sidoo kale ku dalbaday in haddii Nigeria ay dooneyso in lasoo daayo 200 gabdhood oo afduuban inay sii dayso xubnaha Boko Xaram ee u xiran.

Nigeria oo dhowr jeer oo horey u sheegtay inay dishay Shekau, ayaa sheegtay in weerarkii bishii tagtay lagu dilay dhowr hoggaamiye oo ka tirsan Boko Xaram.

Greg Borton oo ah fallanqeeye arrimaha argagixisada oo ka tirsan Jaamacadda Deakin ee dalka Australia ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Shekau uu weli nool yahay.

Borton waxa uu sheegay in maadaama Boko Xaram ay lumisay gacan ku haynta dhul badan oo ku yaalla waqooyiga Nigeria ay iminka isku rogi doonto koox muqaawamao ah oo fulisay weeraro gaadmo ah.

XS
SM
MD
LG