Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jowhar: Tirada Mudanayaasha oo 71 noqonaysa


Ergada ka socota beelaha ee jooga magaalada Jowhar, una jooga shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku heshiiyay 71ka xildhibaan ee ay wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somalia u dirtay ayaa ku heshiiyey in ay odayaashu ay qeybsadaan.


Inkastoo qoraal rasmi ah aan laga soo saarin haddana odayaasha beelaha qaar oo saxafada la hadlay ayaa sheegeen in ay ergada ku heshiiyeen tirada xildhibaanada maamulka cusub ee labada gobol.


Xogyaha Joogta Wasaarada Arrimaha Gudaha oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa odayaasha uga mahadceliyay isu tanaasulka ay isu sameyeen wuxuuna intaa raaciyay in ay guda gali doonaan sii ambaqaadida howlaha kale ee soo xulida xildhibaanada maamulka la filayo in ay yeeshaan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhageyso Shirka Jowhar
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:35 0:00

XS
SM
MD
LG