Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali Ah oo Fuliyey Weerarkii Minnesota


Hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ah ee magaalada St Cloud ee Gobolka Minnesota ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo toorrey wata uu ka dambeeyey weerar ka dhacay magaalada Saint Cloud habeen hore kaasi oo lagu dhaawacay sagaal qof.

Weerarkaas ayaa ay baadhitaan ku hayaan hay’adaha dmabi baarista ee dalkan Maraykanka.

Ururka ISIS ayaa sheegay in askari iyaga ka tirsan uu fuliyey weerarka.

Bulshada Soomaalida ah ayaa sheegay in ninka weerarka ka dambeeyey lagu magacaabo Daahir Aadan.

Haddaba Sahra Cabdi Axmed ayaa arrintan ka warreysatay Cabdullahi Kulane oo ku hadlaya magaca jaaliyadda Soomaalida ee St Cloud.

Wiil Soomaali ah oo ka dambeeyey weerarkii Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

XS
SM
MD
LG