Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo Ceyrineysa Xaasaska iyo Caruurta Shabaab


Deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose waxaa wali ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ay si wadjir ah u wadaan ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa howlgalladii ugu dambeeyay shalay ka fuliyay deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada Hoose halkaasoo uu shalay ka dhacay dagaal saacado socday.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo saaray amarro uu deegaanada uu ka taliyo uga rarayo Xaasaska iyo cararta xubnaha ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin weerarada AlS-habaab ee ka dhaca deegaanada Jubbooyinka.

Afhayeenka Laamaha amaanka Maamulka Jubbaland Axmed Maxamud Maxamed ayaa Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed uga warramay arrimahaasi.

Jubaland oo ceyrineysa xaasaska Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

XS
SM
MD
LG