Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Kordhinaya Qaxootiga Imanaya Mareykanka


Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa dejiyey hadaf ah inuu dalka keeno 110,000 oo qaxooti ah sanad xisaabeedka 2017, taasi oo toban kun ka badan qorshihiisi hore, islamarkaana 30% dheer tirada qaxootiga sanadkan yimid Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha dibedda John Kerry ayaa qorshahan dib u dejinta ku dhowaaqay intii uu socday kulan uu la yeeshay guddiga caddaaladda ee Aqalka wakiilada iyo Senate-ka Mareykanka.

Markii ugu dambeysay ee tiro sidaas u badan oo qaxooti ah dalka Mareykanka la keeno waxay ahayd waqtigii madaxweyne Clinton ee 1995-kii, markarkaasi oo Clinton uu aqbalay in dalka ay yimaadaan 112,000.

Sanadkii 2015, waxaaa dalka Mareykanka yimid 70,000 oo qaxooti ah.

Warbixin ay heshay warbaahinta Politico ayaa sheegeysa in Obama uu doonayo inuu dalka keeno tiro badan oo qaxootiga dalka Syria ah, kadib markii ay sanadkan yimaadeen 10,000.

Obama ayaa qorshahan rasmi ugu dhowaaqi marka toddobaadka soo socda uu ka qeyb galo kulanka guud ee QM.

XS
SM
MD
LG