Sharci ka dhan ah argagaxisada ayaa loo gudbinayaa todobaadkan Baarlamaanka dalka Australia.
Sharcigan ayaa ogolaanaya inay xabsiga lagu sii hayn karo muddo dheeraad ah dadka lagu helo dambiyada argagixiso, kadib marka ay soo dhameystaan xabsigooda. Waxa sidoo kale ku jira in caruurta da'da 14-ka illaa 16 sana jirka ah lala socon karo, haddii looga shakiyo argagixisnimo.
Jamaal Axmed Cisman ayaa arrimahaasi ka wareystay wariye Baabul Nuur, oo deggan magaalada Adelaide ee dalka Australia.