Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Kenya oo Dilay Haween Weeraray Saldhig Boolis


Kenya police - Booliska Kenya
Kenya police - Booliska Kenya

Booliska kenya ayaa maanta toogasho ku dilay sadex haween ah oo weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee xeebta ku taala ee Mombasa.

Sadexdan haweenka ayaa la sheegay in middi ay ku weerarareen mid ka mid ah saraakiishii booliska ee saldhigaa ku sugnaa ka dibna ay quraarado holcaya oo gaas uu ku jiro ay ku tureen askartii kale, ka hor inta aan la toogan.

Isagoo shirjaraa’id qabanayay wax yar ka dib markii uu weerarku dhacay ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada ee Mombasa, Patterson Maelo, waxa uu u sheegay wariyeyaasha sadexda dumarka ah ay qiyaameeyeen Ciidamada iyagoo isa soo dhigay haween laga dhacay taleefanada gacanta oo doonayay in dacwad oobiga saldhigga ak qortaan.

Waxa uu sheegay ina markii gudaha ay galeen ay sadexdaasi haweenka mid ka mid ah middi ku weerartay askarigii fadhigayay Oobiga saldhiga, halka labadii kalena ay quraarado uu gaas ka buuxo ay ku weerareen saldhigga.

Laba ka mid ah haweenkii weerarka geystay ayaa la sheegay in boolisku ay ku toogteen dabaqa hoose halka mid ka mid ah ay u gudubtay dabaqa labaad oo ay halkaa ku toogteen.

Magaalada Mumbasa oo ah magaalo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan gobolka xeebta ee kenya ayaa bar tilmaameed u aheyd sanado dhowaa kooxo mintidiin ah oo ka careysan gacanta adag ee ciidamada Kenya ay kula macaamilaan dadka Muslimiinta ee Gobolka.

Weeraro horey uga dhacay magaalada waxaa sheegtay – ururka al-Shabab faraciisa Kenya.

Al-shabab ayaa ka dambeeysay weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi ee ay ku dhinteen 67 qof sanadii 2013kii iyo weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ee 2015kii ee lagu dillay 148 qof oo arday u badnaa .

Sidoo kale waxey mintidiinta lala xiriiriyo al-Shabab ay ku dileen gobolka xeebta ee Lamu weeraro kala duwan oo ay ka geysteen sanadkii 2014kii dad ka badan 100 qof.

XS
SM
MD
LG