Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa marki ugu horreysay ka hadlay xirnaashaha ay ciidamada Dowlada xireen wadooyinka magaalada Muqdisho, oo 24-ki saac ee lasoo dhaafay.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, ayuu madaxweynaha ku sheegay in wadooyinka ay u xiranyihiin marti gelinta shir madaxeedka 53aad ee urur goboleedka IGAD, oo la filayo inuu maalinta Talaadada ka furmo magaalada Muqdisho.
Wadooyinka xirran ayaa ku soo aadaya xilliga ugu mashquulka badan suuqyada Muqdisho ee ay dad u diyaar garoobayaan munaasabadda ciidda.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaase ka codsaday dadweynaha Muqdisho inay dulqaad muujiyaan.
Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbixintan Muqdisho inooga soo diray.