Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga Kanada oo la Kulmay Dad ay Soomaali ku Jirto


Injineer Jibriil
Injineer Jibriil

Wasiirka Amniga ee dalka Kanada, Ralph Goodale ayaa magaalada Edmonton ee gobolka Alberta kula kulmey dadweyne uu kala tashanayey sidii wax looga badali lahaa sharciga numberkiisu yahay C-51 ee ay dowladi hore sameysan. Sharcigan oo ay aad uga cawdeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Kanada, waxaa uu walwal saa-id ah ku hayey dadyowga laga tirade badanyahay sida Muslimiinta ay Soomaalidu ka mid ka tahay.

Injineer Jabriil Cali Herari waa gudoomiyaha ururka Somali Canadian Cultural Society oo ka mid ah ururada Soomaalida u adeego ee Kanada. Jibrill iyo labo qof oo kale oo Soomaali ah ayaa shirkan ka qaybgalay, isagoo u waramaya Jaamac Buulle Jaamac ayuu uguhoreyn sharaxayaa ulajeedada kulankan.

Halkan ka Dhageyso;

Kulanki Kanada
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:30 0:00

XS
SM
MD
LG