Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Weerar ka Gaystay Xeebaha Soomaaliya


Ilaa hadda inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyooday 9 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Markab hubeysan oo marayay gudaha badweynta India ee dhanka Jaziiraddha Madhabo iyo Kudhaa ee Gobbolka Jubbada Hoose uu Arbacadii rasaas ku furay labo doomood oo ay wateen dad la sheegay inay ahaayeen Kalluumeysto.

Si rsmi ah looma oga waddanka laga leeyahay Markabkaan, hase yeeshee goobjoogayaal ku suggan jaziiradaha Kubadhaa iyo Madadhabo ayaa VOA u sheegay in Doomaha uu marabka weeraray ay saarnaayeen rag ku hubeysnaa qoryaha fudfudud ee AK47, markabkuna loo maleynayo inuu ka kamid yahay maraakiibta wadamada reer galbeedka ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegay in doomaha la weeraray ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Jubaland Cabdinur Cali Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in doomaha uu markabka rasaasta ku furay ay ahaayeen kuwo kalluumeysi, isagoo dhacdadaasina ku tilmaamay xad gudub.

Ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya in doomaha uu markabka weeraray ay wateen dad kalluumeysata ah.

XS
SM
MD
LG