Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2000 oo Soomaali ah oo ku Dhibban Xadka Kenya


Qaxooti
Qaxooti

Waxaa dhowaan hakad la geliyey tiro badan oo qaxooti Soomaali ah oo doonayay in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Hawshan lagu hakinayo dib u celinta qaxootiga ayaa waxaa ay timid kadib markii maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in aan cidna Kenya laga soo celin karin illaa inta ay wada hadal ka yeelanayaan maamulka iyo hay’adda UNHCR.

Jubbaland ayaa waxa ay dooneysaa in la xaqiijiyo in dadkan dib u dejin loo sameeyo, taasna ay hay’adaha caalamiga ah oo UNHCR ay ku jirto ay gacan ka gaystaan.

Waxaa haatan goobo ku meel gaar ah ku jira dadkaasi oo doonayay in ay dib Soomaaliya ugu labtaan, waxayna ka cabanayaan xaalad nololeed oo aad u liidata.

Wariyaha VOA-da ee Waqooyi Bari Kenya, Maxamed Farax Shire ayaa xaalada dadkaasi ka wareysatay wariye Maxamed Baarud Xuseen oo booqday xarunta ku meel gaarka ah ee dadkan ay ku xareysan yihiin.

Qaxooti ku dhibban xadka Somalia iyo Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00


XS
SM
MD
LG