Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Jowhar oo Dib u Furmaya Sabtida


Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)
Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii lagaga xaajoonayay maamul u samaynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu magaalada Jawhar ka furmi doono Maalinta Sabtida ee 3-da bisha September.

Waxaa sidoo kale arrintaasi ka hadlay urur goboleedka IGAD oo ergooyinka shirkaasi ka qayb galaya ugu baaqayinay shirkasi ka soo qayb galaan oo ay iskugu yimaadaan magaalada Jawhar.

Arrimahan ayaa lagaga hadlay shir Jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho wada jir ugu qabteen Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Ergeyga gaar ka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Wariyaha VOA-da Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.

Shirka Jowhar oo dib u furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

XS
SM
MD
LG