Mid ka mid ah kooxaha Islamiyiinta ee dalka Mali ayaa qirtay inuu isagu lahaa amarada lagu burburiyay ilaa iyo sagaal Qabri iyo Masjid ku yaala magaalada Timbuktu.
Ahmad Al Faqi Al Mahdi ayaa ka sheegay dhageysiga dacwad loo heystay oo lagu qabtay maanta oo Isniin ah Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee Heague in faahfaahinta uu bixiyay xeer ilaaliyihii isaga dacwadda ku oogayay, oo ay ku jireen wixii sababay weeraraddii lagu burburiyay xarummo dhaqan oo taariikhi ,ay aheyd mid saxsan.
Waxa uu arrintan ka muujiyay qoomamo, isagoo ka codsaday dadka reer Mali inay cafiyaan.
Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Al Mahdi uu xubin ka ahaa ururka Ansar Dine ee qeybta ka ahaa kooxihii qabsaday Timbuktu, iyo inta badan waqooyiga Mali sanadkii 2012kii.
Mintidiindii qabsaday dhulkaa waxey burburiyeen 14 ka mid ah 16ka dhismo Qabuuro ee ku yaala magaalada Timbuktu, iyagoo ku sheegay inay astaan u ahaayeen Shirki.
Dhismooyinkaas ayaa waxaa dib u dhisay Qaramada Midoobay ka dib markii howl-gal milatari oo uu Faransiisku hogaaminayay waqooyiga Mali looga saaray sanadkii 2013kii.