Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneraal Samatar oo Mareykanka ku Geeriyooday


Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Cali Samantar, madaxweyne ku xigeenkii hore iyo wasiirkii gaashaandhigga ee xukumaddii dhexe ee burburtay ee Soomaaliya.

Jeneraal Samantar oo muddo billo ah xanuunsanayay ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Gobolka Virginia dulledka magaalada Washington isagoo 85 sana jir ah.

Jeneraalka ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarsareeyay ee qeybta ka qaatay dhismihii ciidanka xoogga dalka Somaliyeed oo beri ahaa mid ka mid ah ciidamada ugu xooggan Afrika.

Waxa uu ka tirsanaa Golihii Saree e Kacaanka ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee talada Somalia afgambiga kula wareegtay sanadkii 1969kii.

Laakiin tan iyo burburkii dowladdii dhexe wuxuu ku noolaa dalkan Mareykanka oo ku wajahay dacwado ka dhan ah bani aadnimada oo ay ka gudbiyeen koox yar oo ku eedeysay inuu kaalin ku lahaa xasuuq ay xukumaddii kacaanka ka geysatay Somaliland sanadihii sideetameeyadii.

Jeneraal Maxamed Cali Sharmaan oo ah Jeneraal howlgab ah oo ay soo wada shaqeeyeen Mr. Samantar ayaa u sheegay VOAda in Jeneraalki uu ka mid ahaa tiirarkii ay ku taagnaayeen ciidamaddii Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Cali diini ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Jeneeraalka.

Baarlamanka Soomaalia ayaa maanta dhinaca kale go’aamiyay in Jeneraalka aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2004tii ayaa waxa uu jeneraal Samantar ka mid noqday laba muwaadin oo u dhashay Somalia oo ku noolaa gobolka Virginia oo laga gudbiyay dacwad ku aadan dambiyo dagaal oo Soomaaliya ka dhacay.

Dacwadaas ayaa lagu sheegay in isaga iyo Yusuf Cabdi Cali , oo horey uga tirsanaa saraakiishii ciidamada ee Soomaaliya ay lahaayeen amarka dad la jir dillay, kuwo la dilay, kufsiyo dhacay iyo falal kale oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah oo laga geystay Somaliland

Kuwii eedeeynayay Jeneeraalka ayaa ku doodayay inkastoo uusan shaqsiyan ku kicin dambiyada, hadana masuuliyadooda uu wax ku lahaa, maadaama ay geysteen saraakiil isaga hoos imaaneysay.

Maxkamada hoose ee Mareykanka ayaa xukumay in Jeneraalku uusan sheegan karin xasaanad ka hor istaagta dacwadaha loo heystay, laakiin go’aamadaas ayuu racfaan ka qaatay.

Samantar waxa uu dhowr jeer isku dayay inuu helo xasaanad ka difaacda daacwadda, laakiin bishii March ee sanadkii 2015kii ayaa Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay diiday inay hor istaagto dacwaddan.

Maxkamadda ayaa ka gaabsatay inay dib u eegis ku sameyso codsiyaddii maxkamadaha racfaanka ee dacwaddan .

Dacawdadda lagu soo oogay Jeneraal Samantar ayaa salka ku haysay dagaalkii waqooyi ee 1988kii.

Taariikhda Samantar oo Kooban

Maxamed Cali Samatar waxaa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somalia.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Somalia ee gaadhay darajada Sareeye Guud oo ahyd darjadii ugu sarysay ee ka jirtay Somalia.
Waxaa uu xubin kahaa XHKS waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii.

Waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga. 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raisal wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaaliya horaantii 1991kii.

Jeneraal Maxamed Cali Samantar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabrta u ahayd ciidanka Soomaalia ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga.

Allah u naxariistee waxa uu Jeneraalka ifka kaga tagay 39 awlaad ah oo isugu jira 13 uu dhalay iyo 23 ay sii dhaleen iyo laba ay sii dhaleen.

XS
SM
MD
LG