Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rio Bolt oo ku Guuleystay Bilad kale oo Dahab ah


Bolt
Bolt

Orodyahanka u dhashay dalka Jamaica Usain Bolt ayaa ku guuleystay bilad kale oo dahab ah, isaga oo kaalinta koowaad ka galay orodka labada boqol ee Mitir, xilli uu sheegay in tartankan uu noqon doono kiisii ugu dambeeyey.

Waqtiga uu ku orday oo ahaa 19.78 ilbiriqsi ayaa nus ilbiriqsi ka wanaagsanaa xawaarihii ugu dheeraa ee tartanka lagu qaado oo sidoo kale uu isaga horey u sameeyey.

Markii uu tartanka dhammaaday kadib ayaa Bolt waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku guuleystay biladda dahabka, hase yeeshee waxa uu yiri inuu door bidi lahaa inuu ku sameeyo xawaare intaas ka dheer.

Bolt ayaa illaa iyo hadda tartanka ka socda magaalada Rio de Janeire ee dalka Brazil wuxuu ku guuleystay saddex bilad oo dahab oo xiriir ah ee tartamada 200 iyo 100 ka mitir.

XS
SM
MD
LG