WASHINGTON. DC —
Shalay waxaa meelo badan oo aduunyada ah looga dabaal dagay maalinta ay Qaramada Midoobay u asteysay maalinta Dhalinyarada Aduunka.
Dalkaan Mareykanka, waxaa wali ku sugan oo tababarrro ku qaadanaya 100 dhalinyaro oo ka mid ah 1,000-ki dhalinyaro ee dhawaan dalkaan uga qeybgalay Shirka Hormuudka Dhalinyarada Africa ee loo soo gaabiyo YALI.
Hadaba VOA-da qeybteeda la hadasha Africa ayaa shalay daarta VOA-da ee magaalada Washintong ugu qabatay qaar ka mid ah dhalinyaradan, dood la xiriirta sida ay Dhalinyarada Africa u sameyn karaan hal abuur ganacsi oo dhaxalgal ah.
Wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur Bukhaari oo nooga qeybgalay kullankaa ayaa warbixintan nooga diyaariyey.