Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha Amaanka ee dowladda Somalia ayaa soo saaray go’aan faraya dadka inay qaataan kaararka dhalashada ee dowladda, cidii aan qaadanna aysan heli doonin adeegyada dowladda, talaabana ay ka qaadi doonaan.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka sareeyo gaas Cabdulaahi Gaafow Maxamud, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha qeybta guud ee gobalka Banaadir ciidanka booliiska Soomaaliyed Bishaar Abshir Geed, ayaa si wadajir ah xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar waxey ku qabteen Shir jaraa’id oo ay ugu hadlaayeen Arrintan.
Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa shirkaasi Jaraa’id ka dib arrintan ka warystay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.