Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimuqraaddiga oo si Rasmi ah u Xushey Hillary Clinton


Hillary Clinton
Hillary Clinton

Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.

Iyadoo la muujinaayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidkii Talaadada, waxa senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd,waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Waxay aheyd taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Seygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Hillary bisha November ee soo socota loogu codeeyo inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

Clinton, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee musharax u noqota mid ka mid ah xisbiyada waaweyn ee taariikhda Mareykanka.

Haaruun Macruuf ayaa warbixintan kasoo diray Philadelphia

Dimoqraadiga oo xushay Hillary Clinton
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:42 0:00

XS
SM
MD
LG