Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baroordiiq ka bilaabatay Afghanistan


An Afghan woman weeps at the site of a suicide attack in Kabul, Afghanistan July 23, 2016.
An Afghan woman weeps at the site of a suicide attack in Kabul, Afghanistan July 23, 2016.

Baroordiiq iyo murugo ayaa ka bilaabatay maanta dalka Afghanistan kadib marki Sabtidi shalay aheyd ay kooxda ISIS dishay dad gaaraya 80 ruux weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Kabul.

Weerarkaan oo lagu qaaday dad si nabad ah ugu mudaaharaadayey magaalada caasimada ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 200 oo ruux.

Waziirka arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegay in sadex ruux oo naftood hurayaal ahaa ay weerarka ka danbeeyeen. Mid ayaa is qarxiyey, kan kale isaga kaligii ayaa is dilay, halka ninkii sadexaad ay toogteen ciidamada amaanka.

Wazaaradda arrimaha gudaha hadda waxay muddo 10 maalin ah mamnuucday isu soo baxyada dadweynaha.

Hadal ay ku baahisay website ay leedahay kooxda ISIS ayey ku sheegatay mas,uuliyadda weerarka oo ay ku tilmaantay in hadafka ay ka lahaayeen uu ahaa digniin ay u dirayeen qowmiyada Hazaras-ka Afghanstan oo u badan dad heysta madhabta Shiicada, kuwaas oo ay sheegeen in ay bilaabeen in ay ku biiraan Dowlada Syria oo dagaal kula jirta Daacish.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey Iran in ay tababaro milatari siiso ilaa iyo 3 milyan oo qaxooyi Afghanstaaniyiin ah oo ku nool dalka Iran, kadibna ay ku biiraan ciidamada daacada u ah madaxweyne Bishar Al-asad-ka Syria si ay uga difaacaan maleeshiyaadka islaamiga ah.

XS
SM
MD
LG